Waxaa Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay kusoo idlaaday shirwaynihii Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) laantiisa Magaalada Qabridahare.

Shirkan oo mudaba laga dhursugayay ayaa maanta oo Axad ahayd kaqabsoomay Xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay, waxaana shirka kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa shirka kasoo qayb galay Hogaanka Dhaqaalaha ee Ururka OYSU heer Aduun Marwo Ifraax Yuusuf Xuseen oo door muhiim ah kulahayd qabashada Shirwaynaha iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mursal oo kamid ah Golaha Dhexe JWXO.

Sidoo kale waxaa kulanka kasoo qayb galay maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Qoraxay oo uu horkacayo Gudoomiyaha Xafiiska Naftii Hure Faysal Naftii Gade oo iyaguna gacan kulahaa qabashada Shirwaynaha OYSU Qabridahare.

Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah looga sooshaqeeyay ayaa ugu dambayntii cod gacan taag ah lagu doortay halgame Maxamuud Jigre Gamaadiid oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon dhalinta OYSU ee magaalada Qabridahare.

Mas’uuliyiinta shirka kasoo qayb galay ayaa Khudbado dardaaran iyo wacyi galin ah bulshada usoo jeediyay, wuxuuna shirku ku dhamaaday si guul ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay