Waxaan weli ku guda jirnaa sirtii aan ka helnay gumaysiga. Qaybtan 5aad waxaan ku soo qaadan doonaa sida uu gumaysiga uga argagaxsan yahay guud ahaan dhaq-dhaqaaqa jaaliyadaha ay wadaan iyo qorshaha uu u dajiyay inuu kula dagaalamo xubnaha firfircoon ee jaaliyadaha.

Dareenkaa uu gumaysiga ka qaaday halganka ay ku jiraan jaaliyadaha oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwii burburin lahaa Itobiya wuxuu ugu talgalay miisaaniyad xoogan sida aad ku arki doontaan qorshaha uu dajiyay cadawga, waxaana loo qoondeeyay inay iska kaashaadaan hay’ado kala duwan oo qaarkood loogu talagay inay gacanta ka hadlaan oo siday sheegeen dhabarka ka jabiyaan kuwa ka soo horjeeda dawladda. Waxay sheegeen inay arintaa soo ogaatay;

  • Kadib baadhitaan dheer oo ay samaysay Wasaarada Arimaha Dibada iyo dublamaasiyada Itoobiya waxaa lagu ogaaday inay jiraan caqabado farabadan oo u dhexeeya xukuumada dawlada Federalka ah ee Itoobiya iyo qaybo kamida wadamada deeqda bixiya iyo kuwa saaxiibka dhaw la ahaa dalkeena Itoobiya caqabadahaas oo ay horseed u ahaayeen xubno qurba joog ah oo cabsan kuna qanacsan hadafka dadka gaarka ahi wataan ee ah in la abuuro dagaal aan wax sabab ah salka ku haynin oo laga dhex abuuro bulshada reer Itoobiya iyadoo qaybo kamida bulshada reer Itoobiya laga dhaadhicinayo inay yihiin bulsho la adoonsado una baahan in ay xoroobaan; sida qoomiyadaha daga dhanka Bariga iyo Koonfurta bari ee Itoobiya sida Somalida iyo Oromada oo ah bulsho leh xukuumado u gooni ah iyo waliba barlamaano wasiiro iyo madax waynayaal iskuna maamula afkooda diintooda iyo dhaqankooda.

Maqaalkan xiisaha leh iyo kuwii ka horeeyayba ;

Riix halkan

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay