Waxaa kulan balaadhan oo wada tashi ah Isugu yimid kaadirka jaaliyada fooljeex ee gobalka Minnesota gaar ahaan labada magaalo ee mataanaha ah Minneapolis iyo St.Paul iyo waliba nawaaxigooda.

Waxaa sidii Caadada inoo ahayd Shirka Lagu fur furay Wacdi diini ah iyo aayado quraanka Kariimka ah kulanka ayaa faataxada loogu maray shuhadadii reer Ogaadeniya ee naftooda u huray Shacabkooda kana dhabeeyay balanqaadkay allah la galeen oo ahaa Guul ama Geeri.

Sidoo kale dhacdadii Xanuunka iyo murugada Badnayd ee 12/28/2019 Ka dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Ex-Control Afgooye Aayaa halkaa looga baryay inuu Allah subxaanahu watacaalaa Janatul fardowsa ka waraabiyo Intii ku dhaawacantayna u booga dhayo.

Cadowga soomaaliyeed ee manaxaanka ahna ilaahay ka qabto meel walaba oo ay joogaan.

Kulankan oo aad u xasaasi ahaa laguna lafagurayay xaalada guud ee deegaanaka iyo sidii loo hurumarin lahaa loona dardargalin lahaa hawalaha halganka ee geeska afrika iyo kan Northern America.

Dardargalinta halganka oo wakhtiga hada fooda inagu soo haya ka bilaabmi doonta gobolka  ay jaaliyadu joogto ayaa wakhti dhow si xoogan looga dareemi doona gobolka iyo dhamaan dunida dacaladeeda

Waxay isu balansadeen Jamaahiirtan oo isugu jira golaha sharcidajinta iyo waliba xubanaha jaaliyada fooljeex in ay markale dib u soo labakacleeyaan, laguna sooceliyo halkii ay ahaan jirtay jaaliyada MN.

Waxaanu Umada soomaaliyeed ee dunida dacaladiisa ku kala nool ilaahay uga baryaynaa in Sanadkii Tagay murugadii soo gaadhay faraxad ugu badalo.

ONA/Minnesota.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay