Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay looguna qaabilay xafiiska OYSU ee Addis Ababa xubno cusub oo ku soo biiray ururka OYSU xubnahaa oo dhammaantood ahaa Ardayda wax ka barta jaamacadaha ku yaalla magaaladan Addis Ababa,

Ugu horrayn waxaa xubnaha qaabilay Xoghayaha OYSU laantiisa Addis Ababa Mudane Dr maxamed Wali Haajir waxuuna xubnaha uga warramay qaabka ay u shaqaysa hay’adda OYSU laanteeda Addis Ababa waxuuna uga mahad-celiyay xubnaha cusub sida wanaagsan ee ay ugu qanceen siyaasadda xisbiga /ururka ONLF, kala warqaadasho iyo dood wanaag ka dib xubnuhu waxay mareen waajibaadkii laga doonayay,

Taniyo intii la furay xafiiska ONLF ee magaaladan Addis Ababa waxaa si xawli aha ku socday hawlaha muhiimka aha ee ay qabanayaan laamaha kala duwan ee xafiiska iyo sida weyn ee loo baraarujinayo ummadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis Ababa

ONA/Addis Ababa.
Bashiir Hirmooge.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay