Waxaa maanta soo booqday xafiiska ONLF ee magaaladan Addis Ababa aqoonyahanka iyo Siyaasiga caanka ka ah dalka Ethiopia una dhashay qawmiyadda Gambeelaha Dr. Obang Meto.

Aqoonyahanka waxaa booqashadiisa kuweheliyay wafti heer sare aha waxaana si diiran u qaabilay Hogaanka Arimaha Sayaasadda iyo Xidhiidhka Faderaalka Ahna Guddoomiyaha Xafiiska ONLF Ee Addis Ababa Mudane Xassan Muxumed Ow-Macalin.

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo diirada lagu saaray mar-xaaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka Itoobiya iyo sidii loogu wajihi lahaa qaab ilbaxnimo ah oo ay kawada faa’iidaysanayaan dhammaan Qawmiyadahu caddaaladna ku dhisan.

Aqoonyahanka oo ah siyaasi rug-caaddaa ah ayaa Ururka ONLF ku amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan siyaasada Itoobiya iyo sida Dimuqraadiyada ah ee ula jaanqaadayaan hawlaha guud waxuuna ku booriyay in ay sii laba jibaaraan hawsha muhiimka ah ee ay hayaan.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laysla qaatay in la joogteeyo kulamada caynkan oo kale ah lana xoojiyo wada shaqaynta horumarka horseedaysa ee u dhaxaysa xisbiyada iyo qawmiyadaha.

Bashiir Hirmooge.
ONA Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay