Waxaa la’ogaysiinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Soomaalida Ogadenia in uu dhawaan qabsoomi doono Shirwaynihii Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO).

Qabanqaabada Shirwaynaha Culimada oo mudaba lagu guda jiray ayaa hada umuuqata mid soodhamaatay, waxaana Shirwaynaha Culimada lagu wadaa in uu qabsoomo 15/01/2020 hadii Alle Idmo.

Shirwaynaha UCSO ayaa lagu wadaa in uu kaqabsoomo Dagmada Dhagaxbuur ee Xarunta Gobolka Jarar, waxaana shirka lagu casuumay dad magac iyo miisaan Kudhex leh bulshada.

Qaar kamid ah wufuuda Shirwaynaha Culimada kaqayb gali doonta ayaa dalka soogaadhay kuwaas oo dalka dabadiisa kumaqnaa, waxaana todobaadkan lafilayaa qaar kale oo wufuuda Culimada ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay