Maanta oo sabtiya waxuu kulan muhiima dhax maray guddoomiyaha ONLF Dr Cabdirahmaan Sheikh mahadi Maaddeey, Hoggaanka Arrimaha Sayaasadda iyo Xidhiidhka Faderaalka Ahna Guddoomiyaha Xafiiska ONLF Mudane Hon. Xassan Muxumed Aw-Macalin iyo Haweenka Soomaaliyeed Ee Addis Ababa ku nool, kulankan oo ay soo diyaariyeen  dhalinyarada Ogaadeniya ee ku sugan magaalada Adiss Ababa ayaa sidii loogu talagalay u dhacay.

Ugu horrayn waxaa shirka lagu bilaabay Aayado Qur”aana iyo wacdi diiniya oo laysku baraarujinayay, intaa ka dib waxaa shirka furay guddoomiyaha unugta JWXO ee Adiss Ababa Halgame Maxamed Fadxi Maxamuud waxuuna ka war bixiyay qaabka ay u socoto hawsha jaaliyadda iyo siday ugu heellan-yihiin inay sii wadaan shaqada muhiimka aha ee ay ummadda u hayaan, waxuuna ku booriyay inay garab istaagaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis Ababa, waxaa iyana madasha ka hadashay guddoomiyaha Hooyooyinka Soomaalida Ogaadeenya Marwo Maryan Maxamed Zubeer oo si weyn ugu mahad celisay Hoggaanka Ururka ONLF kuna Amaantay hawsha iyo shaqada ay u hayaan bulshadooda Soomaaliyeed ee rafaadku daashaday, waxaa isna goobta ka hadlay Xoghayaha OYSU laantiisa Addis Ababa Dr. Maxamed Wali Haajir, oo si weyn ugu mahad-celiyay Hooyooyinka Soomaaliyeed ku garab taagan hawsha ay bulshada u hayaan.

Intaa ka dib waxaa madasha lagu soo dhaweeyay Hoggaanka Arrimaha Sayaasadda iyo Xidhiidhka Faderaalka Ahna Guddoomiyaha Xafiiska ONLF ee magaaladan Addis Ababa Halgame Hon. Xassan Muxumed Aw-Macalin waxuuna mas’uul Xassan si waafiya uga war-bixiyay shaqada Xafiiska uu u hayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka haqab tiraan baahiyaha bulshada dhankasta wixii karaamkooda ah waxaa kale oo uu ka war bixiyay Xidhiidhka wanaagsan ee kala dhaxeeya Xisbiyada iyo dawladda Faderaalka Ethiopia waxuuna ku nuux-nuuxsaday inay xaqiijin doonaan rabitaanka Shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Ugu dambayn waxaa shirka soo xidhay Guddoomiyaha JWXO /ONLF Halgame Dr. Cabdirahmaan sheikh mahadi Maaddeey waxaana madasha qabsaday sacab iyo sawaxan mashxaradeed oo ay haweenku ku soo dhaweeyeen Guddoomiye Cabdirahmaan sheikh mahadi, waxuuna guddoomiyuhu madasha ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay oo ay si weyn ula dhaceen Hooyooyinkii goobta joogay waxaana hadalladiisii ka mid ahaa inay u taagan yihiin sidii ummadda Soomaaliyeed loo middayn lahaa looguna jihayn lahaa dariiqii ay u mari lahaayeen helidda xaqooda.

waxaa kale oo uu goddoomiye Cabdirahmaan sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ay heli doonaan waxay xaqa u leeyihiin iyo daryeelkooda waxuuna ku booriyay inay soo bandhigaan baahiyadooda una maraan dariiq walba oo ay ku heli karaan,

Gabagabadii shirka ayaa waxaa madasha uu shirku ka dhacayay lagu soo bandhigay dood wanaag iyo su’aalo la waydiinayay madaxda JWXO waxayna Haweenka aad ugu Amaaneen in ay jabhaddu u fududaysay qaadashada sharciga mutawakiyaha magaaladan Addis Ababa oo Ahaa mid ku Adag dadka Soomaalida ah na loo Ogolayn balse hadda ay u socoto qaadashadiisa.

Gabagabadii shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyadoo lagu ballamay wada shaqayn dhab ah iyo ilaalinta midnimada ummadda,

Bashiir Hirmooge.
ONA/Adiss Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay