Waxaa shalay oo axad ahayd taariikhduna ku beeg nayd 05/01/2020 shirkoodi caadiga ahaa qabsaday midowga dhalinyarada iyo ardayda ogaadenia OYSU Faraca degmada Godey.

Shirkan oo si heer sara ah loo soo qaban qaabiyay ayaa udhacay sidii loogu tala galay waxaana ugu horayn shirka lagu furay wacdi diini ah.

Kadib waxaa shirka si toosa uguda galay gudoomiyaha (OYSU)ee degmada godey
Halgame c/raxman cabdulahi oo kusoo dhaweeyay gudoomiyaha OYSU ee gobolka shabeelle nafti hure kare aadan .

Nafti hure kare aadan ayaa dhalinyarada degmada godey siiyay war bixino guud iyo geedi socodka jabhada iyo waliba sidii kor loogu sooqadi lahaa tayada dhalinyarada OYSU.

Waxaa shirka qayb ka ahaa madaxa arimaha bulshada ee gobolka shabelle halgame maxamed garaad wuxuuna  dhalinyarada kula dardaarmay inay bilaaba abaabul cusub.

Gunti iyo gaba gabadi shirkan ayaa kuso dhamaaday si guul ah .

Bishar C/hi.
ONA/Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay