Waxaa magaalada dhagax buur ee gobolka jarar ka qabsoomay shirwaynihii ururka dhalinyarada iyo ardayda soomaalida ogadenia (OYSU) laantiisa dhagax buur.

Shirkan oo ahaa mid lagu dooranayey maamul cusub oo ururka OYSU fariciisa dhagax buur uu yeelan doono ayaa lagu qabtay xafiiska gobolka jarar ee jabhada wadaniga xoraynta ogadenia (JWXO) waxaana shirka kasoo qayb galay xubnaha OYSU iyo qaar kamida maamulka gobolka jarar iyo dagmada dhagax buur .

Doorashada ka qabsoontay magaalada dhagax buur ayaa ahayd mid ay ku tartamayeen laba xubnood oo Kamid ah ururka dhalinyarada OYSU Faraca Dhagax buur.

Waxaana xilka gudoomiye nimo ee faraca loo doortay Halgame Bashiir caaqil Cismaaciil oo kamid ah xubnaha ugu firficoon dhalinta OYSU ee magaalada dhagax buur.

Dhanka kale waxaa dardaaran ujeediyey gudomiyaha cusub ee OYSU gudomiyaha gobolka jarar naftii hure c/raxmaan khaliif (xeef) iyo Gudoomiyaha dagmada dhagax buur halgamaa shariif xasan kaariye oo isaguna la dardaarmay dhamaan dhalinyarada shirka.

Nacima C/hi Mohamed.
ONA/Dh.buur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay