Iyadoo aan ognahay in hadii ay soo baxaan Da’yar Tayo Aqooneed iyo Wadaniyadeed leh inay xaqiijin karaan Masiirkooda & jiritaankooda ummadeed ayaa waxaa booqasho iyo Indho indhayn kusoo maray qaar kamida Goobaha Waxbarashada Degmada Fiiq ee Xarunta Gobolka Erer, Agaasimihii hore waaxda Caafimaadka JWXO oo baryahanba halkaasi hawlo Shaqo ka waday.

Halgamaa Shaafici Maxamed ayaa Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafayba wuxuu booqasho ku marayay Goobaha Waxbarashada Fiiq kuwaasoo kala ah:

1- Fik Technical Vocational & Edecutional Training College.
2- Secondary and Preparatory School.
3- Fik Boarding School.
4- Sayid Ali Primary School.
5- Wadaydaale Primary School.
6- Duudwayne Primary School.

Dhinaca kale wuxuu booqdey qaar kamida Madarisooyinka Qur’aanka kariimka ah lagu barto, wuxuuna Ardayda ujeedinayay Khudbad Ciwaankeedu ahaa: “Ilaalinta dhaqanka, diinta iyo Anshaxa Ardaynimo”, wuxuuna Carabka ku adkaynayay inay Ardeydu Akhlaaq wanaagsan yeeshaan Islamarkaana ay ku dadaalaan Waxbarashada si ay u noqdaan kuwo wax ugu filan Mustaqbalka Ummadooda maadaama Ardeyda maanta ay noqon doonto Hogaaminta barito, waxaa lagama maarmaan ah buu yidhi inaad si Lexejeclo, Lahaansho & Wadaniyad leh aad wax ubarataan.

Waxaa kale oo uu Ardeyda kala hadlay inay bartaan Diintooda iyo Taariikhdooda intaba, Wuxuuna dulmar ugu sameeyay Marxaladihii kala duwanaa ee Dalka Ogadeniya soo maray Lixdii Qarni ee udanbaysay, si Timaadada looga gudbana waa in Cashar laga barto Tagtadii, Khudbad dhaxalgal ah oo dhinacyo badan taabanaysa kadib wuxuu kusoo gunanadayay in Adeydu Samir iyo dadaal dheeraad ah u lahaadaan Waxbarashada, Waxaana xusid mudan in Goobaha uu booqdey ay kamid ahaayeen Dugsi Qur’aankii & Iskuulkii uu yaraatiisii Wax kabartay.

ONA/Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay