Waxaa Garoonka Dayuuradaha ee Garaad Wiil-waal si diiran loogusoo dhaweeyay Hogaanka Arimaha Siyaasada ee JWXO ahna Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee magaalada Addis Ababa mudane Xassan Muxumed Ow Macalim.

Madax Katirsan Jabhada ONLF iyo boqolaal kamid bulshada Soomaalida Ogadenia ee magaalada Jigjiga kudhaqan ayaa mudane Xassan kusoo dhaweeyay Garoonka, kuwaas oo kulabisan calanka iyo calaamadaha JWXO.

Halgame Xassan Macalim oo warbaahinta kulahadlay gudaha Garoonka ayaa ugu horayn umahad celiyay madaxda iyo shacabka soodhaweeyay, wuxuuna mudane Xassan sikooban uga warbixiyay socdaalkiisa iyo waxa uu daaran yahay.

Mudane Xassan Macalim ayaa sheegay in uu mudo todobaad ah joogi doono magaalada Jigjiga Isla markaana uu qaban doono shirar iyo siminaaro lagu kobcinayo garaadka siyaasadeed iyo wacyiga dhalinta kucabaysan halganka.

Wixii kasoo kordha socdaalka Mudane Xassan Muxumed Ow Macalim kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA/Jig Jiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay