Waxaa galabta Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle kaqabsoomay Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kadhisan Dagmada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle.

Furitaan Diini ah kadib waxaa hadalka lasiiyay Naftii Hure Maxamuud Sooc oo kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO, wuxuuna halgame Sooc xubnaha lawadaagay warbixin dheer oo dal iyo dibad ah.

Mudane Maxamuud Sooc ayaa sidoo kale xubnaha JWXO ee Dagmada Godey kula dardaarmay in ay sare uqaadaan howlaha halgan ee ay wadaan oo hadaba ah kuwo aad usareeya.

Sidoo kale waxaa kulanka Khudbado abaabul ubadan xubnaha ujeediyay qaar kamid ah Madaxda Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii xubnaha JWXO ee Dagmada Godey oo galabta kaqabsoomay Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay