Maamulka JWXO Ee Gobolka Shabeelle oo Tuulada Gurmad-qaran Gaadhay.
Waxaa Tuulada Gurmad-qaran oo Dagmada Cadaadle ee Gobolka Shabeelle gaadhay maamulka Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle.
Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle halgame Cabdulaahi Maxamed Cade (Fujur) ayaa shir balaadhan uqabtay dadka shacabka ah ee kudhaqan Tuulada Gurmad-qaran.
Gudoomiye Fujur iyo waftigiisa ayaa si wayn ugu warbixiyay shacabka Tuulada, waxayna si qoto dheer ugu qeexeen marxalada nabad ku halganka ah ee lagalay.
Waftiga iyo shacabka ree Gurmad-qaran ayaa iswaraysi badan kadib isla qaatay in isku meel loodhaqaaqo si loo gaadho danaha wayn ee shacabka Soomaalida Ogadenia.
Bishaar Cabdulaahi.
ONA Gurmad-qaran.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.