Waxaa Tuulada Baahale-shir oo Dagmada Cadaadle (Bohol-xagare) oo Gobolka Shabeelle katirsan gaadhay Wafti balaadhan oo kasocda Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle.

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle Mudane Cabdulaahi Maxamed Cade (Fujur) ayaa shir balaadhan uqabtay shacabka Tuulada Baahale-shir kudhaqan, waxayna waftigu shacabka siiyeen warbixin dhamays tiran oo dal iyo dibad ah.

Sidoo kale Waftiga ayaa shacabka ku booriyay in ay kashaqeeyaan Midnimada iyo walaalnimada oo ah waxa kaliya ee danaha shacabka lagu gaadhi karo.

Shacabka kudhaqan Tuulada Baahale-shir ayaa dhankooda muujiyay rabitaanka ay uhayaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo ah hantida dhabta ah ee shacabka.

Guntii iyo Gunaanadkii waftiga JWXO iyo shacabka Tuulada Baahale-shir ayaa kubalamay in marxalada nabad kuhalganka ah laga faa’iidaysto.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay