Warar saaka naga soo gaadhay wariyaha ONA uga soo warama gobolka Qoraxay ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah ay 21 may oo ku beegan shalay ka da’een deegaank farmadaw . Khasaaraha ay gaysteen roobabkan oo aad u badan waxaa ku nafwaayay nin lagu magaabi jiray Alle ha u naxariistee Cabdi risaaq
Warkaasi wariyaha ONA ayaa waxa uu intaa ku darayaa in wali lagu jiro tirakoobka rasmiga ah ee khasaaraha Ka dhashay roobabkaas

Sidoo kale roobab ka da’ay 17 May degmada Shaygooosh ayaa fatahaad ka dhalatay laagaha waawayn ee ku soo daaca dhul beereedka magaalada shaygoosh waxay gaysteen khasaare lixaadle
Inta la xaqiijiyay waxaa ku guryo beelay ilaa 60 Qoys waxaana khasaare kale ka soo gaadhay ku dhwaad 20 Qoys oo kale.
Ma jiraan ilaa had wax taakulayna oo dadkaas ka soo gaadhay dhinacnaba ,mana jirto rajo u soo muuqata oo ay qabaan.
Waa markii ugu horaysay tan iyo intii ay bilawdeen roobabka gu’gu ee waxyeelo laga soo sheego dalka ogaadeeniya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay