Waxaa si habsami leh usoo gabagabowday doorashadii Faraca Daryeel ee kadhisan Dagmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya.

Cod bixinta doorashadan oo ahayd mid qarsoodi ah Isla markaana xilka Gudoomiyaha Faraca Daryeel ay utartamayeen labo halgame ayaa lagu doortay Mudane Cumar Faarax Cabdulaahi oo kamid ah Kaadirka JWXO ee Dagmada Dhoobley.

Doorashadan oo ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo Dagmada Dhoobley kadhacda ayay kasoo qayb galeen boqolaal kamid ah xubnaha JWXO ee Dagmada Dhoobley.

Xadhiidhiyaha JWXO ee Dalalka Somalia iyo Jabuuti Mudane Shaafi Xassan oo goobjoog ahaa madasha ay doorashadu kadhacaysay ayaa warbaahinta JWXO usheegay in doorashadu ay udhacday si kasoo qayb galayaashu ay kuwada kalsoon yihiin.

Dhulka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland waxaa kadhisan Jaaliyad culus oo kamid ah Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay