Hanaanka maamul usamaynta Galmudug oo in muda ahba soo jiitamayay lana daalaa dhacayeen hawl-wadeeno xukuumada soomaaliya katirsan ayaad moodaa hada inay samaysay horu socod waxaana todobaadkii lasoo dhaafay ay ku guulaysteen dhamaystirka soo xulashada liiska xubnaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudig kamod noqonaya kuwaas oo tiradoodu tahay 89 Xubnood.

Talaabadii xigtay ayaa Maanta oo jimca ah loogu tartamay gudoonka baarlamaanka Gobalka oo ka kooban sadex boos gudoomiye iyo labadiisa kuxigeen.

Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaana ku guuleystay doorashadii guddomiyaha baarlamaanka Galmudug ee maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb waxaana uu codadkii la tiriyay oo ahaa 89 cod ka helay 54 meesha mudanaha la tartamayay Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 cod hal cod ayaa Xumaaday sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada guddoonku.

Waxaana hada sii socota codaynta kuxigeenada isagoo kuxigeenka labaad utartamayso Gabadhi.

Waxaana lagu wadaa in maalmaha soosocda ladooran doono Madaxweyne goboleedka Xiga ee Galmudug.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in Madaxwaynihii xilku kadhamaaday Axmad Ducaale Geele Xaaf uu Ganafka ku dhuftay isla markaasna diiday geedi socodka Doorashada isagoo kusugan Gaalkacyo.

ONA /Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay