Waxaa magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya lagu doortay maamulkii Isbahaysiga Qoomiyadaha Badan Ee Fadaraalka iyo Dimuqraadiyada (AMDF) oo maanta lagu yagleelay Isla magaalada Addis Ababa.

Gudoomiyaha Isbahaysiga AMDF ayaa loodoortay Gudoomiyaha Ururka OLF Daa’uud Ibsa, halka Gudoomiye kuxigeenka Isbahaysiga AMDF loo doortay Gudoomiyaha ONLf Halgame Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey).

Ururada ku bahoobay Alliance Multination Democratic Federalism (AMDF) ayaa si isku mid ah loogu qaybiyay xubnaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga iyo xubnaha noqonaya Gudiga Fulinta ee Isbahaysiga, waxaana Ururkasta lasiiyay 5 xubnood oo Gole dhexe ah iyo 3 Gudi Fulin ah.

Isbahaysiga AMDF ayaa Isla caawaba buuxiyay shuruudihii looga baahnaa maadaama oo ururada Isbahaystay ay awalba buuxiyeen shuruudaha Xisbinimo.

Isbahaysigan AMDF ayaa noqonaya midka ugu miisaan culus oo shacabku ay taageersan yihiin, Isla markaana ah Isbahaysiga utaagan danaha shacabka aaminsana halgan si nabad ah kusiisocda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay