Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii 1aad ee Xubnaha Golaha Dhexe Ee JWXO ay yeesheen intii uu gudoomiyuhu Safarkiisii shaqo kasoo laabtay.

Kulankan oo saaka subixii hore kaqabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha JWXO ee Xarunta Dulqabow ayaa kubilowday si dagan, waxaana kulanka warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysay lagaga dhagaystay Gudoomiyaha JWXO Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga dooday qodobo dhowr ah oo muhiim u ah geedi socodka halganka, kuwaas oo dhamaantood isku dhinac laga istaagay.

Dhinaca kale Xubnaha Golaha Dhexe ee shirka ka qayb galay ayaa su’aalo waydiiyay Gudoomiyaha JWXO, wuxuuna Gudoomiyuhu si hufan uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay mudanayaasha Golaha Dhexe waydiiyeen.

Gabagabadii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii Golaha Dhexe Ee JWXO, waxaana lagu balamay in ladhaqaajiyo howlaha horyaala Golaha Dhexe ee JWXO, kuwaas oo aad muhiim u ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay