Jaaliyadda Ogaadeeniya ee magaalada Addis Ababa oo shir ballaadhan ku qabatay xaafadda Qaaliti ee magaaladan Addis Ababa, shirkan oo Ahaa mid si weyn loo soo Agaasimay ayaa u dhacay sidii loogu talagalay,

Waxaa ugu horrayn shirka lagu furay Aayado Qur”aana.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadda Qaaliti oo ahaa kuwii shirka looagu talagalay ayaa si diiran u soo dhaweeyay xubno sare oo ka socday Maamulka Jaaliyadda iyo OYSU, iyagoo siwayn usoo buux dhaafiyay madashii shirku kadhacayay oo ahayd xaafad ku taalla koonaha caasimaddan Addis Ababa,

intaa ka dib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Addis Ababa Halgame Maxamed Muuse Sayid waxuuna si faahfaahsan uga warbixinay shaqada jaaliyadda iyo halka ay marayso Siyaasadda Ururka ONLF, waxuuna si weyn ugu booriyay bulshadii goobta joogtay in ay Adkeeyaan midnimadooda kana waantoobaan waxkaste oo keeni kara khilaaf dhaxdooda ah,

waxaa sidookale madasha ka hadlay Halgame Maxamed Faarax iyo Halgame Cabdi Bashiir oo iyaguna sii Adkeeyay hadalkii Mudane Muuse,

Dhanka kale bulshadii kasoo qayb gashay ayaa madasha kasoo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo halganka lafu beegsanayo Xoriyada Ogadenia.

Gabagabadii shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyadoo lagu ballamay wada shaqayn dhab ah iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Bashiir Hirmooge
ONA Addis Ababa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay