Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi ayaa galabta Xafiiskiisa kula Kulmay qayb kamid ah Naftood hurayaashii dhiigooda usoo daadiyay Xoraynta ciida Ogadenia.

Gudoomiyaha oo mudo safar shaqo ugu maqnaa Nairobi iyo Addis Ababa ayaa Ciidanka JWXO uga xog waramay socdaalkiisii iyo meesha uu wax marayo, wuxuuna Gudoomiyuhu xusay kaalintii dahabiga ahayd ee ciidanka JWXO ay soociyaareen iyo mida ay hada ciyaari karaan iyahoo si nabad ah u halgamaya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ciidanka ka dhagaystay talooyin badan oo ay soojeediyeen iyo waliba sida ay iyaga latahay in si nabad ah loogu halgamo.

Kulankii dhex maray Gudoomiyaha JWXO iyo Naftood Hurayaasha Ciidanka JWXO ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah iyo jawi dagan, iyagoo kubalamay hadal yar iyo howl badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay