Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) Sheekh Maxamed Axmed Baaruud ayaa kudhawaaqay Gudiga Fulinta ee Ururka Culimadu uu yeelanayo.

Gudoomiye Sheekh Baaruud oo dhawaan lagu doortay shirwaynihii Ururka Culimada ee Magaalada Dhagaxbuur kaqabsoomay ayaa shaaciyay xubnaha lashaqayn doona inta laga gaadhayo shirwaynaha 3aad Ururka hadii Alle Idmo.

Xubnaha Gudiga Fulinta ee UCSO oo ah kuwo dhinac kasta laga eegay ayaa kala ah.

1 Gudoomiyaha UCSO Halgame Sheekh Maxamed Axmed Baaruud.

2 Gudoomiye Kuxigeenka UCSO Halgame Sheekh Maxamed Axmed Cabdala.

3 Xoghaynta Xafiiska Gudoonka Ahna Afhayeenka Ururka UCSO Sheekh Xassan Raage Horor.

4 Hogaanka Arimaha Bulshada Iyo Abaabulka Sheekh Cabdiraxmaan Macalim Maxamed.

5 Hogaanka Dhaqaalaha UCSO Sheekh Cali Mukhtaar Cumar.

6 Hogaanka Arimaha Diinta & Dacwada UCSO Sheekh Cali Daahir Bisle.

7 Hogaanka Dabagalka Iyo Hanti-dhowrka UCSO Sheekh Carab Sheekh Cabdi.

8 Hogaanka Waxbarashada UCSO Sheekh Cabdulaahi Diiriye.

9 Hogaanka Samafalka Iyo Xidhiidhka Caalamka UCSO Sheekh Axmed Maxamed Ciilmooge.

Dhamaan mashaa’ikhda uu Gudoomiyuhu magacaabay ayaa ah kuwo mudo kasoo shaqeeyay halganka ay JWXO caynaanka u hayso, waana kuwo ku xeel dheer Arimaha Diinta suuban.

Gudoomiyaha JWXO Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi ayaa ansixiyay xubnaha Gudiga Fulinta ee Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) kadib markuu magacaabay Gudoomiyaha UCSO Halgame Sheekh Maxamed Axmed Baaruud.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay