Garaadka Guud ee Beesha Kuumade GARAAD KULMIYE GARAAD MAXAMED GARAAD DOOL GARAAD WIIL-WAAL oy wehelinayeen Xubno salaadiin ah oo kuwehelinayay safarkiisii uu kaga soo kicitamay Ogadenia kana mid yihiin Ugaas Maxamad Carab, Ugaas Sheekh Maxamad Yuusuf, Ugaas Diiriye iyo Suldaan C/Maalik Suldan Maxamuud Haybe Maalmahana kusugnaa Caasimada Muqdisho oo uu kulamo kulalahaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Madaxda Sare ee Xukuumada Soomaaliyeed waxaa Maanta si kal iyo Laab ah usoo Dhaweeyay Maamulka Unugta Jwxo ee Muqdisho oo uu horkacayo Gudoomiyaha Unugta Maxamuud Baakistaani kuna wehelinayo Xoghayaha OYSU ee Muqdisho Dr. Caafi.

Kulankan oo ka dhacay Hotelkii uu ka daganaa Garaadku Magaalada Muqdisho waxay labada dhinac wadaageen Xog waran mugwayn oo kusaabsan Xaaladaha ay kusuganyihiin Shacabkii Ogadenia iyo mida bulsha waynta Ogadenia ee ku dhaqan Caasimada Muqdisho.

Maamulka Unugta ayaa si waafi ah warbixin uga siiyay waftiga garaadka Xaalada ay bulshada Ogadenia ee kudhaqan Xamar kusugantahay iyagoo kudheeraaday inay Gurigoodii Joogaan oyna cidna Marti ugu ahayn si iskumid ahna ula wadaagaan Nolosha walaalahooda soomaaliyeed eey isla Noolyihiin.

Dhanka kale Garaadka iyo Saaxiibadiisba waxay si qoto dheer uqaadaa dhigeen Xaaladii Ogadenia Deegaan ahaan, Dhaqan ahaan, Amni ahaan iyo Nolol ahaanba, kadibna waxay Maamulka lawadaageen dhaliilo ay tahay inay saxaan iyo Talooyin wax ku ool ah ooy uhibeeyeen.

Gabagabadii kulanka ooy hadhaysay Maxabo Gacaltooyo waxaa soo afmeeray Garaad Kulmiye Garaad Maxammad isagoo Dardaarankiisii ku adkeeyay doorka JWXO looga fadhiyo ee Midaynta iyo jihaynta bulshada, Ducana ku Khatimay.

ONA / Muqdisho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay