Anigoon Arag baan aqaanaye waxaan markii ugu horaysay ku kulanay Shirwaynihii 3aad ee ONLF ee Godey lagu qabtay Abwaanad Rooda Ibraahin Cabdi-gurey (Afjano), Halganto Rooda waxay ku dhalatay Degmada Awaare waxayna Gabayga ku bilowday isla Degmada Awaare Iyadoo 7-sano jirta, waxayna in kamida oo Nolosheedii kusoo qaadatay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiiraan, Mudo kadibna waxay kusoo laabatay Ogadeniya waxayna JWXO kamid noqotay Sanadkii 1992-dii xiligaasoo ay Dhagaxbuur kusugnayd.

Nafteed-hurto Afjano inkastoonan waydiinin heerkeeda aqooneed hadana waxaa sheekadii na dhexmartay iiga soo baxday inay Qur’aan badan soo dhigatay yaraanteedii, Sidoo kalana ay Iskuul soo dhigatay, Tabankii sano ee udanbeeyayna waxay Hal-abuurnimadii kusoo kordhisay Qoraanimo waxayna katirsanayd Bahda Warbaahinta ee Qorahay Media.

Rooda waa Abwaanad ilaahay hibo u siiyay hal Abuurnimada waxayna Gabayi karta Daqiiqad kasta oo ay damacdo, Gabaygii ugu horeeyay ee ay Qadiyada Ogadeniya ka tirisayna waxaa la odhan jiray SAL & IIMAAN waxaana Erayadiisii kamid ahaa:-
● Allahayoow ONLF yaa salaan idil gudoonsiiya.
● Alloow yaa Abwaanada dhulkiyo gaadha Odayaasha.
● Yaa yidhaa Albaabada u fura ubaxa Soomaali
● Yaa yidhaa Qabaa’iil Inkira horayba loo eedye.
● Yaa yidhaa Midnimo uun ayida dowladnimo aadda…..?

Sidoo kale Gabaygii labaad ee ay tirisay ayaa la magacbaxay “DIHIN” wuxuuna noqday Gabaygii ugu horeeyay ee ay Fagaare katiriso waxaana kamid ahaa Tuducyadan soo socda:-
■ Hasha Dihina Ibeheeda waa la isku haystaaye.
■ Hadhka iyo ogoobeey ladnaan laysku heliwaaye.
■ Hurdaayoow ka toos jiifka waa lagu habsaamaaye.
■Hubka qaata guusheenii baa loo halgamayaaye…..?

Halganto Afjano Hooyadeed Faadumo Xasan Yuusuf (Kor-dahab) iyo Aabaheed Ibraahin Cabdi-gurey waxay kamid ahaayeen Jabhadii WSLF gadaashiina Aabaheed wuxuu u geeriyoodey Alle ha u naxariistee dhaawac kasoo gaadhay Dagaal uu Xabashida la galay 1977-kii, Nasiib-daro Rooda Aabaheed waligeed maysan arkin.

Dhinaca kale Abwaanada wuxuu Magaca Afjano ugu baxay Bohol-xagarre (Cadaadle) oo katirsan Gobolka Shabeele Iyadoo lasocota Wafti ONLF kasocday oo Hawlgal Abaabul kawaday Degmadaas ayay ka Gabayday, Markay Gabayga dhamaysaba Dadwaynuhu waxay ku dhawaaqayeen Biis Biis marar badan markay ku cel-celisay ayuu Nin Odey ah oo Ree Bohol-xagarre ahi yidhi War Gabadhu waa Afjanihii labaad oo inaga dhamaan maysee aan fasaxno, halkaas sida laga garanayo Magaca Afjano horay Qofkale ayaa loo odhan jiray wuxuuna ahaa Nin Abwaan ah oo Degmadaas kasoo jeeday.

Kadibna Todobaadkii danbe ayay ka qayb-gashay Shir balaadhan ooy qabteen Madaxdii Dowladii ONLF Hogaaminaysay ee uu Madaxwaynaha ka ahaa AHN Cabdulaahi Maxamed Sacdi Shirkaasoo ahaa Xafladii lagu saarayay Calanka Deegaanka ee hada la isticmaalo Waxaana Microphone ka kusoo dhaweeyay Cabdi-amaan Maxamed Sooyaan oo daadiyaha Shirka ahaa wuxuuna yidhi:- Haatana waxaan Microphone ka ugu yeedhayaa Abwaanad Rooda Ibraahin Cabdi-gurey oo loo bixiyay Afjano si ay Gabay qiimi badan inoogu soo jeediso, Sidaas buuna Magagu ku faafay, Maalinkaa wixii ka danbeeyayna waxaa loogu yeedhay Rooda Afjano.

Fiiro gaar ah:- Abwaanadu waxay Curisay Gabayo aad utiro badan waxaana jira qaar Gabayadeeda kamida oo aan loo helin fursad lagu duubo ama lagu qoro.

WQ: Halgame Shaafici Maxamed.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay