Waxaa magaalada Addis Ababa maanta oo Jumce ah kasocda shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhamaan xisbiyada wadanka iyo Gudiga Doorashooyin Itoobiya.

Shirkan oo hada kasocda Skylight Hotel ayaa lagu jeexjeexayaa habka ladoonayo in ay wadanka doorasho xor iyo xalaal ah uga dhacdo hadii Alle Idmo.

Gudiga Doorashooyin ayaa Asxaabta iyo qaybaha kale ee bulshada usoo bandhigay habka ugu haboon ee ay doonayaan in ay doorashadu udhacdo, taas oo Asxaabta iyo aqoonyahanku ay aragtidooda ka dhiibteen.

Dhinaca kale Gudiga Doorashooyin ayaa badalay astaantoodii waxaana Astaanta cusub ee Gudiga ku qancay Asxaabta iyo siyaasiyiintii shirka kasoo qayb galay.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah waxaa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) uga qayb galay Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Addis Ababa ahna Hogaanka dhinaca Siyaasada ee JWXO Mudane Xassan Muxumed Ow Macalim.

Shirkan oo wali socda wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay