Iyadoo wufuuda JWXO ay meelo kala gadisan oo dalka Ogadenia kamid ah ay socdaalo shaqo kumarayeen ayaa waxaa maanta Magaalada Fiiq ee Xarunta Gobolka Erar si wayn loogu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin iyo Kaadir Jabhada ONLF katirsan.

Waftigan ayaa daba-socday wafti kale oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhaweeyay Magaalada Fiiq, Wafuudan kala duwan ee Fiiq soo gaadhay ayaa la rajaynayaa in ay halkaas ka qabtaan shaqooyin muhiim ah, Waxaana imaatinka Madaxda Xisbiga JWXO laga dareemayaa Xarunta Gobolka Erar ee Fiiq waxaana Dadwaynaha wajiyadooda ka muuqata farxad aad u balaadhan.

Warka la xidhiidha Waftiyadan Fiiq isugu yimid & wixii kasoo kordha ayaad kala socon doontaan Wakaalada Wararka Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay