Waxaa maanta lagu qabtay xafiiska JWXO /ONLF ee magaaladan Addis Ababa Shir heer sare aha oo uu qabtay Ururka OYSU faraciisa Addis Ababa oo si weyn Abaabul wadaniyadeed uga wada caasimadan Addis Ababa,

Kulanka ayaa ugu horrayn lagu furay Aayado Qur”aana waxaana si waafiya u furay kulanka Hoghayaha OYSU Addis Ababa Dr. Maxamed Wali Haajir (Dr. Xabeeb) waxuuna goobta ka jeediyay hadallo dhiiri galin iyo Abaabul isugu jiray, waxaa iyana geestooda hadlay Halgame Sadaam Maxamed iyo Halgame Maxamed Faarax, oo sii xoojiyay hadalkii guddoomiye Xabeeb waxayna aad ugu mahad-celiyeen xubnaha soo xaadiray shirka una heellan u shaqaynta umaddooda muddada soo dulmanayd,

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Hoggaanka Arrimaha Sayaasadda iyo Xidhiidhka Faderaalka Ahna Guddoomiyaha Xafiiska ONLF ee Addis Ababa Halgame Xassan Muxumed Aw-Macalin waxuuna si weyn ugu baraarujiyay dhalinyarada in ay ka qayb qaataan u Adeegidda ummadooda Kuna dadaalaan isku duubnida iyo midnimada waxaa kale oo uu sheegay in loo diyaar garoobo horumarinta bulshada iyadoo laga duulayo Aqoonta iyo xirfadaha kale ee uu eebbe ku manaystay mid kaste oo dhalinta ka mida,

Geesta kale waxaa kulanka hadallo dhaxalgal aha ka jeediyay Ustaad, Ismaaciil Macalin Ibraahim oo runtii si weyn u baraarujiyay dhalin yaradii goobta joogtay waxuuna ku nuux-nuuxsaday Ahmiyadda ay leedahay midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis Ababa loogana fadhiyo in qayb laxaadle ka qaataan horumarinta bulshada iyagoo ka duulaya kartida ay leeyihiin iyo waayo Aragnimadooda aadka u xeeldheer,

Gabagabadii kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyadoo lagu ballamay shaqo halgan ooy daacadnimo ku gadaaman tahay.

Bashiir Hirmooge
ONA Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay