Waxaa guud ahaan gayiga Ogadenia iyo daafaha caalamkaba si wayn looga xusay maalinta Xasuuqa Ogadenia (Ogaden Massacre Day 22-Feb).

Shacabka Soomaalida Ogadenia ee mudada qarniyaalka ah lagumaadayay ayaa fursad uhelay in markii ugu horaysay ay si cabsi la’aaneed oo Public ah uxusaan maalintii loo madlay Xasuuqa shacabka Soomaalida Ogadenia oo ah bisha labaad ee sanad kasta, taas oo hada ka hor laga qaban jiray dunida kale.

Xuskan oo ay hormuud uyihiin dhalinta OYSU oo kaashanaya xubnaha iyo taageerayaasha JWXO ayaa lagu qabtay inta badan dhulka Soomaalida Ogadenia waxaana kamid ahaa meelihii lagu qabtay magaalooyinka Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahare, Wardheer, Goday, Fiiq, Ceelwayne, Shaygoosh, Dhanaan, Dhagaxmadow, Birqod, Garbo iyo meelo kale oo badan.

Da’yarta kudhaqan dhulka Soomaalida Ogadenia ayaa si qoto dheer loobaray sooyaalkii taariikeed ee wadanka Ogadenia iyo maalmihii madoobaa ee shacabku uu soomaray.

Sidoo kale shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa dib u xasuustay dhaqankii bahalnimada ahaa ee kooxdii TPLF iyo guud ahaan gumaystayaasha cadaan iyo madowba, waxayna shacabku isu dardaarmayeen in ay kagaashaantaan wixii soomaray.

Dhanka kale daafaha caalamka ayaa si balaadhan loodhigay munaasabada xusuusta xasuuqii Ogadenia iyagoo ay hormuud u ahaayeen Faracyada OYSU & Maamulada jahliyaadka Jwxo ee caalamka kubaahsani.

Waxaa xiiso Gooni ah lahaa iyadana Caasimada soomaaliya ee Muqdisho oo si heersare ah loona dhanyahay kulan wadareed loogu qabtay baroordiiqda shacabkuu Guumaysigu xasuuqay looguna duceeyay.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa maalinta Xasuuqa Ogadenia xusi jirtay in kabadan 30 sano iyagoo maalintan u calaamadiyay bisha February ee sanad kasta, taas oo kubeegan xasuuqii maamulkii TPLF uu shacabka kula dhaqaaqay 1 February 1994.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay