Shirwanaha Ururka SRDA oo ah Markii ugu Horaysay ee lagu qabto Dalka Gudihiisa ayaa Saaka ka Furmay Magaalada Diridhaba.

Shirwaynahan oo ay kasoo qayb galeen inta badan xubnaha Ururka SRDA, Shacabwayna soomaaliyeed ee kudhaqan Dire-Dawa, Marti hsaraf dunida dacaladewda kakala yimid iyo Ururo iyo xisbiyo siyaasi ah oo lagu martiqaaday ayaa lagu wadaa in lagu Dajiyo Barnaamijka Siyaasadeed iyo Xeerar Ururka.

Waxaa Sidoo kale lagu wadaa in lagu oos dhsio hay’adaha hogaamineed ee SRDA laguna Doorto Madaxda Sare ee Ururka iyo Golihiisa dhexe.

Waxaa Shirkan ururada lagu casuumay kamid ah Ururka Gobanimodoonka ah ee ONLF, Waxaana Maalintii Shalay ahayd Magaalada Diridhaba Gaadhay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha JWXO Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi(Maaday) oo si Balaadhan Loogu soo Dhaweeyey Magaaladaas.

Ururada ONLF IYO SRDA ayaa ah laba Urur oo Bahwadaag ah wax badana uu ka dhaxeeyo oo laxidhiidha halganka Gobonimo odonka ah ee soomaalida ogadenia.

Waxaana lagu wadaa Sanadkan ay Doorashada si wada jir ah u galaan SRDA & ONLF oo horay ulahaa dalada isxulafaysi ee SOMALI COLLATION FOR FREEDOM (SCF).

Waxii war ah ee ka soo kordha halkan kala soco

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay