CWXO waxay si maalinle u fulinayaan dagaaalo fool ka fool ah oy la galaan ciidamada cadawga ee sida xaqdarada ah ku jooga dalka ogaadeenya. Dagaalada ayaa inta badan waxaa gacnta sare yeesha CWXO oo xaq ku dirir ah, iyadoo dagaaladan qaybta ka noqday nolol maalmeedka CWXO ay ka mid yihiin halganka lagu baadi goobayo xoriyada iyo aayaha shacbiga dulman ee Ogaadeenya.

Dagaaladaa oo dhaxalsiiyeey ciidanka cadawga inay u goostaan si maalinle ah ayaa kuwii ugu danbeeyay ee nasoo gaadhay waxay kal yihiin;

15kii May 2012 dagaal ka dhacay Caleemaale oo ka tirsan Degmada Baabili waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 7 askari waxaa lagaga dhawaacay tiro kale.

17kii May dagaal ka dhacay Qaali-maraale oo ka tirsan degmada Qabri-bayax waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale dagaal ka dhacay Dhoobawayn islamaalinkaa ayaa ciidanka cadawga lagag dilay 5 askri waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

Dagaalo ka kala dhacay 16-18kii May degaanada kala ah Hal iyo Nirig , iyo Qararo oo ka wada tirsan deegaanka Galaalshe ayaa waxa ciidanka cadawga lagaga dilay 8 askari waxaana looga dhaawacay 7 kale.

19kii May dagaal ka dhacay Dashidka oo ka tirsan degmada Sagag waxaa ciidanka cadAwga lagaga dhawacay 2 askari.

Dhinaca kale waxaa jira dagaalo mir ah oo ka dhacay deegaanada kala ah ; Golgumaraha, Dhurwaale, Marsin iyo meelo kale waxaana cadawgq ka soo gaadhay khasaare kal duwan.

Dagaaladan waa qayb ka mid ah kuwa ay fuliyaan CWXO een ka helnay Xarunta dhexe ee JWXO warbixinadooda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay