Shirwaynha SRDA oo dire-Dawa kafurmay saaka waxaa lagu Furay Wacdi Diini ah, waxaana ugu horaynba Codbaahiyaha lagu soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Ururka SRDA Mudane Dr. Sakariye.

Gudoomiyaha oo soo jeediyay khudbad miisaaman Wuxuu ku nuuxnuuxsaday Midnimada iyo Macnaha ay u leedahay Ummada Soomaaliyeed Maadaama oo lagu jiro Wakhti kala guur ah.

Sidoo Kale waxaa Si diiran loogu soo Dhaweeyey Gudoomiyaha JWXO Halgame Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo si Mugleh uga Hadlay, Muhiimada ay Ururada ONLF iyo SRDA u leeyihiin Jiritaanka Mujtamaca Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Midnimada iyo Wada shaqaynta ka dhaxaysa labada Urur ee Walaalaha ah Mudo dheerna soo wada Shaqeeyey.

Wararkan oo faahfaahsan kala Soco.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay