Sida aad wararkeenii hore kula socoteen waxaa Maanta ka dhacay Magalada Soomaaliyeed ee Diredhaba Shirwaynihii lagu shaacinayay Yagleelida Xisbinimo ee ururka gobonimadoonka somaliyeed ee (SRDA).

Shirkan oo lagu casuumay madaxda ugu saraysa ururka (ONLF) oo u hogaaminayo gudoomiyaha jabhada wadaniga xoraynta ogadenia (JWXO) halgame abdirixmaan sh mahdi (maadey) Ayaa waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay madaxda ururka (ONLF) iyo kuwa (SRDA) ugu horayn shirka waxaa furay gudoomiyaha (SRDA) mudane (Dr. sakariye ) asago halka ka soo jeediyay khudbad mug iyo misaan leh.

Wuxuuna gudoomiyuhu ka hadlay oo u ku dheeraday midnimada umada somaliyeed lana xoojiyo ka shaqaynta danaha shacabka somaliyeed sidoo kale wuxuu sheegay inay xisbiga SRDA lamidoobay ururka onlf kuwaas oo ah urur u dagalamay xuquuqda umada somaliyeed hadana u dagaalamayay.

Mudane Sakariye ayaa sheegay uruka (ONLF) inay yihiin ururka kali ah ee deegaanka somalida ka jira ee dhiigooda u daadiyay dadka somaliyeed sida darteed ay waajib tahay in aan dhamaanteen taegeero iskuna kaashano Xoriyad gaadhsiinta Ogadenia.

Dhanka kale gudoomiyaha jabahada wadaniga xoraynta ogadenia mudane Dr. Abdirxmaan sh mahdi (Maadey) ayaa sheegay in maanta loo bahanyahay in laysu keeno dhamaanba umada somaliyeed ee ku nool Deegaanka Soomaalida lana mideeyo maskaxdeeda muruqeeda iyo aragtideena si loola jaan qaado isbadalka geeska africa iyo kan dalka itoobiya.

Sidoo kale afhayeenka ururka (ONLF) halgame Abdiqaadir Sheekh Xasan Hiirmooge(Cadaani) oo hadal dhaxal gal ah ku hadlay ayaa yidhi sharafteenu waxay ku jirtaa inaan wax laqaybsano qayrkeen dadkeenana aan midayno si aan qayrkeen wax u la qaybsano afhayeenka ayaa sheegay in ay ONLF waligeed u dagalamaysay xuquuqda umada Soomaliyeed hadana ay ku dagaalamayso qalinka soo jeeda kana daali doonin ilaa ay soo dhiciso xaqa umada Somaliyeed ee ree Ogadenia ka maqan.

Sido kale qaar ka mid ah ka soo qaybgalayaashii shirkan oo isugu jiray aqoonyahan hooyooyin dhalinyaro odayaal iyo wax-garadka Diridhaba ayaa dhankooda sheegay inay hiil-iyo hooba la garabtaganyihiin is bahaysiga ay ku midoobeen ururada ONLF iyo SRDA ee Somali Coolation For Freedom (SCF).

Shirkan oo ahaa mid ahmiyad wayn ugu fadhiya somalida khaasatan Reer Diredhaba Badalayna jawiga magalada Diredhaba maanta ayaa guul ku soo dhamaaday iyo in isku meel looga soo jeedsado cadawga somaliyeed loona dhaqaaqo wadadii isku filaanshaheena lagu soo ceshan lahaa

Shaafi Duulane .
ONA / Diredhabe.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay