Sidaad wararkanagii hore ku maqlayseen waxaa baryahan baa ku sugnaa Magalada somaliyeed ee Diridhaba wafti aad u balaadhan oo u hogaaminayay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya ee(JWXO) halgame Dr Abdirahman Sh/ Mahdi (maadey).

Madaxda ayaa ka qayb galay shirwaynaha ururka (SRDA) oo ka socday Magaalada Diri Dhaba, Shirkan oo ahaa mid Jabhada Lagu Casuumay, ayaa wuxuu u qabsoomay sidii loogu talo galay waxaana dhidibada loogu aasay ururka SRDA oo ay bah wadaag yihiin JWXO.

Somali Co’alition For Freedom (SCF) oo ah dalada ay ku midaysan yihiin Labada xisbi ayaa waxay u tartartami doonaan doorashada dhawaan lagu wado inay wadanka ka dhici doonto, waxayna saamayn balaadhan ku yeelan doontaa guud ahaanba geedi socodka doorashada dhici doonta iskaashiga Labada xisbi.

Madaxda ururka(ONLF) ayaa intii ay Dhiridhaba joogeen kulamo gaar gaar ah waxay la yeesheen qaybha kala duwan ee bulshada somaliyeed ee ku dhaqan magalada Diridhaba, siyaasiyiinta wax-garadka iyo ardayda wax ka barata jamacada Diridhaba ayay la kulmeen Masuuliyiinta JWXO.

Gudoomiyaha JWXO ayaa sidoo kale wuxuu kulan gaar ah layeeshay Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Ugaas Ibraahin iyo Ugaaska Beesha Gurgure Ugaas Siyaad Daa’uud.
Kulankan Odaayaasha iyo bulshada Qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo midayn lahaa shacabka Soomaaliyeed isla markaana xaqooda u heli lahaayeen.

Shacabka Reer Dirdhaba oo aan runtii u kala hadhin soo dhawaynta JWXO ayaa waxay sheegeen Dhankooda in JWXO tahay xisbiha kaliya ee maanta samata bixinkara dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Ogaadeniya isla markaana ay la garab taagan yihiin Hiil iyo Hooba.

Kulankan oo ugu Danbayntii si Guula ah ku dhamaaday ayaa waxay caawa madaxda JWXO si nabada kusoo gaadheen magaalada Jig Jiga ee xarunta Deegaanka Soomaalida.

Shaafi Duulane/ONA
Diri Dhaba.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay