Madax ka socota Jabhada Wadniga Xoraynta Ogaadeniya Jwxo ayaa gaadhay dagmada Qalaafo ee gobolka Shabeele.

Waftiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Shacabka Ogaadeniya ee ku dhaqan dagmada Qalaafo waxayna kusoo dhaweeyay Caleemo Qoyan ayaa kaga hor yimaaday afaafka lagasoo galo magaalada Qalaafo,

Dadwaynihii iyo waftiga ONLF oo socdaal ku soo dhexmaray magaalada badhtamaheeda ayaa kadib soo gaadhay goobtii logu talagalay inu shirku ka dhaco madaxdii ka socotay JWXO oo halka kula hadlay tageerayaashii, ayaa waxay u iftiimiyeen dadwaynihii oo isdul taageen habsamida geedi socodka shaqada ururka iyo guulaha wawayn ee lagaadhay ayago ku nuux nuux saday meesha laga yimid iyo meesha loo socdo.

Dhanka kale ka soo qaybgalayaashii shirka oo arigtidooda cabiray ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin booqashada madaxda xafiiska jabhada ee degmada qalaafe ay u yimaadeen
Diyaara u yihiin inay u taagnaada shaqada ay u hayaan umada oo ah halganka dhaxaliga ah.

Ugu dan bayna waxaa si mug iyo misan leh uwada dardaarmeen madaxdii iyo shacabkii halka isugu yimid ayago hoosta ka xariiqay inay laban laabayaan shaqadada halganka iyo isku meela uga soo jeedsanayaan cidkasta oo cadow ku ah danaha umada somaliyeed shirkan ayaa guul ku dhamaaday.

ONA/Qalaafe
Bishar A/hi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay