Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Cabdiqaadir Sh Xassan Biixi Hirmooge (Cadaani) ayaa maanta oo Isniin shir Warbaahinta loogu talagalay kuqabtay Xarunta Dulqabow ee magaalada Jigjiga.

Afhayeenka JWXO ayaa Saxaafada soo horfadhiistay isagoo wajigiisa ay kamuuqatay shucuur badan, wuxuuna Afhayeenku kahadlay qodobo dhowr ah oo saamayn kuleh dadka Soomaalida Ogadenia iyo dalka Ogadenia.

Halgame Hirmooge ayaa ugu horaynba kahadlay Heshiiskii dhex maray Jabhada ONLF iyo dowlada Itoobiya, wuxuuna Afhayeenku Carab baabay in qaybo Heshiiskii kamid ah uusan wali hirgalin.

Afhayeenka JWXO ayaa xusay in Ciidankii JWXO loola dhaqmay si aan heshiiskii waafaqsanayn, Isla markaana agoontii iyo qoxootigii ree Ogadenia aan lasiinin wax magdhaw ah.

Afhayeenka JWXO ayaa xusay in qaar kamid ah maamulka Gobolada ee Kilalku ay si ula kac ah tacadiyo ugu gausteen xubno katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) taas oo Afhayeenku uu kusheegay sharci daro wayn.

Halgame Cadaani ayaa sidoo kale xusay in shacabka Soomaalida Ogadenia loogu hanjabo in taageerada ay hay’aduhu bixiyaan laga jari doono qofkii ONLF taageera, isagoo intaas raaciyay in shaqaalaha dowlada loogu hanjabo shaqo joojin haday ONLF taageeraan.

Afhayeenka JWXO ayaa si kulul udhaleeceeyay sunta ay shirkadaha shidaalku kushubeen qaybo kamid ah dhulka Ogadenia gaar ahaan Dagmooyinka Dhoobawayn iyo Shilaabo ee Gobolka Qoraxay.

Afhayeenka ayaa dowlada Deegaanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan nolosha dadka iyo Deegaanka, wuxuuna Afhayeenku xusay in ay maamulka Kilalku gabeen shaqadoodii.

Ugu dambayn Afhayeenka JWXO ayaa sheegay in JWXO ay horaan ubixisay cafis guud si looga baaqsado dagaal Sokeeye, wuxuuna Afhayeenku dhaliilay hadalada dowlada Deegaanka kasoo yeedhaya ee ah dambiilayaasha halaqabto taas oo uu kumacneeyay mid dib udhac iyo dagaal Sokeeye shacabka galinaysa.

Hadalka Afhayeenka oo muuqaal ah filo goor dhaw.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay