Jaaliyada Norway Oo Shir Muhiim Ah Ka Qayb-Gashay.
Jaaliyada Norway Oo Shir Muhiim Ah Ka Qayb-Gashay.
Jaaliyada Soomalida Ogadeniya Ee Dalka Norway ayaa waxay ka wayn gashay shi muhiim ah oo ka dhacay Magalada Oslo ee Caasimada Dalka Norway.
Shirkan ayaa waxaa Jaaliyada Uga Qaybgalay Gudoomiyaha Jaaliyada Norway Mudane Nur khaliif carte,
Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb-galay maamulka degmada Jessheim & wasiiro ay ka midtahay madaxa xisbiga venstre MRS Trine skei grande iyo masuuliyiin heerar kala duwan ah oo dowlada Norway matalayay.
Gudoomiyaha jaaliyada norway Nuur khaliif ayaa kawarbixiyay xaalka Jaaliyada iyo soomaalida ogaadeeniya marxalada ay kusugan tahay maanta, gudoomiyaha ayaa usharaxay masuuliyiintii shirka kasoo-qaybgalay xaalka jaaliyada norway,waxyaabaha ay tabayaan ee ay jecel yihiin in wax laga qabto sida caruurta sharcidarada loo qaadanayo oo beryahan dambe aad usoo badanaysa taasoo walwal iyo walaac kuhaysa waalidiin badan .
Gudoomiye Nuur khaliif sidookale Wuxuu kawar-bixiyay xaalka Itoobiya wuxuuna Sheegay In inkastoo Itoobiya isbedel kadhacay hadana sidii larabay uuna gaarsiisanayn, wuxuuna si waafi ah usharaxay inaan xaalka itoobiya la isku halayn karin.
ONA Norway
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.