Wararka nagasoo gaadhaya Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay ee xisbaga EPP uu si waxshi nimo ah Ugu gacan qaaday Halgame Cabdirisaaq Xassan Biixi (Baakistaani) oo Kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO.

Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay Maxamed Nuur Gaade ayaa lasheegayaa in Jidh-dil uu halgame Baakistaani kusameeyay kadib uu Xabsiga utaxaabay, isagoo sida lasheegay uu dhalada kasaaray baabuurkii uu watay.

Maxamed Nuur Gaade oo Kamid ah ashkhaasta ay shacabka Soomaalida Ogadenia waligoodba kacaban jireen ayaa lasheegayaa in uu amar kubixiyay in ladajiyo dhamaan calamada JWXO ee sudhan xafiisyada ONLF ee Gobolka Qoraxay, waxaana sida lasheegay saaka uu weerar kuqaaday Tuulada Buundada oo Dagmada Qabridahare 18km ujirta.

Shacabka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Tuulada Buundada ayaa lasheegayaa in ay gaashaanka udaruureen handadaada Maxamed Nuur Gaade, iyagoo isku wareejiyay Xafiiska JWXO ee Tuulada Buundada.

Maxamed Nuur Gaade oo kacadhaysan difaaca shacabka ee Xafiiska JWXO si waxshi nimo ah u handaday Halgame Cabdirisaaq Xassan Biixi oo Kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO.

Wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay