Madaxwaynaha Somali state Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Ku kacayaa falal Lid ku ah Heshiiskii ONLF Iyo Itoobiya ku dhex maray Magaalada Casmara ee Wadanka Eritrea, kaasoo dhigayay in ONLF ay xafiisyo ka furan karto gudaha Ogaadeniya sidoo kale ay ujeedooyinkeeda siyaasiga ah a ku gaadhi karto si Nabada.

Mustafe Cumar ayaa Abuuraya Xasilooni Daro Iyo khilaaf siyaadeed Oo keeni Kara In Gobolka dagaal dib uga Qarxo’ Waxuuna si Badheedh ah Ujabin hayaa Heshiiskii Taariikhiga ahaa Ee ONLF Iyo Itoobiya dhaxmaray.

ONLF Iyo Itoobiya waxaa dhaxmaray Heshiis Nabadeed oo ONLF U OGolaan haya Inay Si Xor ah Guud ahaanba dalka Itoobiya uga dhaq-dhaqaado Sigaar ahna Somali state/Ogaadeeniya.

ONLF Waxay Sibuuxda Udhaqan Galisay Heshiiskii Ay Dowlada Fadaraalka Itoobiya lagashay Tasoo Keentay In Somali state/Ogaadeenya Noqoto Gobolka Ugu Xasiloon Itoobiya iyo Geeska Afrikaba.

Balse Nasiib daro Nabadii Iyo Xasiloonidii Deegaanka Ka Hana-qaaday waxaa Hog-dheer Katuuraya Kusimaha Madaxwaynaha Soomlida “Mustafe Muxumed cumar” waxuuna Bilaabay Xidhay Uu kula kacayo Xubnaha Xisbiga iyo Dajinta Calanka ONLF ee sudhan Xafiis yada Jabhada ee Tuulooyinka Gobolka.

ONLF waxaa Ka’go,an Ilaalinta Heshiiskii Ay Dawlada Fadaraalka Itoobiya Wada Galeen’ waxaaana lagama maar maan ah in si guud Maamulka Deegaanka Soomaalida, ONLF iyo Dawlada Itoobiya loo ilaaliyo nabada gobolka iyo guud ahaanba Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay