Wafti ka socday Juboland oo ku sugnaa Magaalada Adiss Ababa ayaa Qadosharaf u sameeyay Gudoomiyaha ONLF, Waftiga ayaa yeeshay kulan is xog-waraysi ah.

Guddoomiyaha ONLF Halgame Dr Cabdirahmaan Sheikh mahadi Maaddeey iyo Waftiga Dawlad Goboleedka Jubbaland oo ay Hogaaminayeen Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxmuud Sayid Adan iyo Wasiirka Maaliyadda Jubbaland Mudane Cabdi Rashiid Jire Qalinle ayaa yeeshay kulankan is xog waraysiga ah.

Kulankan oo Ahaa mid si weyn ay ugu riyaaqeen labada dhinac ayaa layska waraystay xaaladaha labada dhinac ee la kala matalayay, guddoomiyeyaal JWXO/ONLF ayaa si waafiya war-bixin uga siiyay waftiga xaaladda Ogaadeeniya Somali State iyo wax yaabihii u qabsoomay intii ay wadanka joogeen,

Dhanka kale Waftiga Jubbaland ayaa iyana dhankooda ka war-bixiyay xaaladda deegaamadda Jubbaland iyo halka ay marayso Siyaasadda Jubbaland iyo guud Ahaan Soomaaliya, kulanka ayaana ku soo dhamaaday jawi dagan.

Bashiir Hirmooge
ONA/Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay