Oslo: Madaxa wargeysga New York times u qaabilsan Geeska Afrika, fadhigiisuna yahay magaaladda Nairobi Mr. Jeffrey Gentleman ayaa u sheegay barnaamijka caanka ah ee Real Time show, oo uu xalay marti ku ahaa in askarta Itoobiya dhigeen muddo asbuuc ah xabsi ku yaala dalkaas.

Saxafigan oo la weydiiyey sababta jeelka loogu taxaabay ayuu ku sheegay inay ahayd kadib markii si qarsoodi ah uu ku galay dhulka Ogadenia, dhulkaas oo  buu yiri ay ka socdaan xasuuq ka daran kan caalamku hadal hayo ee  Daarfuur.

Wuxuna intaas raacshay in askarta iyo maleeshiyaad ka amar qaata taliska Addis Ababa, ay u geystaan bulshadda ku dhaqan dalka Ogadenia Xasuuq iyo baa’ba aan cidi ka warhaysaa aysan jirin.

Saxafigan ayaa dhawr abaal-marin oo caalami ah ku muteystay wararkii uu ka soo diray gudaha Ogadenia, isagoo caalamka u soo bandhigay xasuuqa iyo tacadiyadda ka dhanka ah bani’adminimadda ee ay gesytaan maleeshiyaadka Tigreega ee kusugan dhulka Ogadenia.

Waxana iminka xabsi ku yaal Addis Ababa ku xidhan laba saxafi oo Swedish ah oo lagu eedeeyey inay barnaamijo ka soo diyaarinayeen “dhulka lama-galayda” ah ee Ogadenia. Labadan saxafi ayaa ku xukuman midkiiba 11 sano oo xadhig ah.

Halkan ka daawo.

 American Journalist Kidnapped in Ogaden

Mohamed Ilyas

ONA\Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay