Shir balaadhan oo uu lahaa xisbiga Vansterpartiet ee dalka Swedan ayaa lagu qabtay magaalada Flen. xisbigan oo ah xisbi u tartamaya doorashada dalka Swedan ayaa waxaa shirka lagu casuumay Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya.

Hadaba waxaa jaaliyada ooga qayeb galay xubano ka tirsan faraca ka dhisan magaalada Flen waxayna si qoto dheer ooga hadleen markii la siiyey hadalka dhibaatada ka taagan Ogaadeeniya iyo doorka ay dawladda Swedan ku leedahay gaar ahaan Wasiirka arrimaha Dibada dalka Swedan oo ka qayeb qaatay xasuuqa iyo gumaadka ka dhacaya Ogaadeeniya. Waxaa shirka goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Sormland oo canaanta iyo cadhada jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Swedan ka muuqatay aad u dhagaystay wuxuuna hadalkiisii ku sheegay in hadii xisbigoodu soo baxaan ayna dhici doonin in shacabka Ogaadeeniya lagu gumaado canshuurta ay bixiyaan dadka Afrikaanka aha iyo muwaadiniinta Ogaadeeniya.

Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeeniya ee aduunka ayaa fagaarayaasha caalamiga ah waxay kaga hadalaan qadiyada Ogaadeeniya iyo dulmiga Shacabaka Ogaadeeniya loo gaysto, iyagoo kukasbada bulshaweynta caalamka. waxaa oogu danbeeyey dibada bixii waynaa ee ka dhacay waddanka South Africa.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay