Shabakadda OgadenToday ayaa ka waresatay Gud.Ku-xigeenka JWXO mudane Maxamad ismaaciil arima badan oo quseeya taariikh noloeedkiisii iyo taariikhda ururka iyo habkii lagu asaasay iyo heerka uu marayo hadda halganka shacabka Ogadenya ay ku doonayaan madaxbanaanida ay xaqqa u leeyihiin.

 Wareysiga oo ahaa mid aad u qota dheer ayuu Gud.Ku-Xigeenka jabhadda kaga waramay arimaha la’isla dhex marayo ee ku saabsan wadahadal inuu u socdo JWXO iyo gumaysiga Itobiya, taasoo uu ku tilmaamay Gud.Ku-Xigeenka ururka inay tahay arin la buun-buuninayo oo aan waxba ka jirin. Wuxuu yidhi Gud.Ku-Xigeenka jabhadda inuusan jirin wax wada hadal ah oo u bilawday ONLF iyo Itoobiya isagoo raaciyay in wax ku jabana ayna jirin haddii la wada hadlo sababtoo ah dagaal ayaa naga dhexeeya. Wuxuu raaciyay Gudoomiye ku-xigeenka in wararka suuqa ku jira uu qofba wuxuu jeclaa sheego. Qofkii jeclaa gumeysiga wuxuu suuqa soo gelinayaa in la xaroonayo, midkii gobonimo jeclaana wuxuu sheegayaa in Itoobiya ogolaanayso aayo-ka-talin.

Wareysigaa oo aad u qotadheer waxaad ka akhrisan kartaan mareegtan hoose.

 http://ogadentoday.com/news.php?readmore=4820

 

 ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay