Ururka dhalinta iyo ardeyda Ogadeniya ee Texas aya qabtay kulan aad u heer sareeya oo ay uga hadlayaan xaalada dhulka somalida Ogadeniya, kulankan oo lagu soo bandhigay filimaan ka hadlaya tacadiga ka taagan dhulka Ogadeniya ayaa sidoo kale waxay dhalintu kusoo bandhigeen guubaabo iyo gabayo dhiiri galin ah oo afka ingiriiska ku baxaya. gabdhaha Ogadeniya ayaa xubno firfircoon ka ah ururka dhalinta waxayna safka hore kaga jiraan abaabulka iyo kicinta dhalinta. Taas oo ah arrin aan lagu aqoon halgamada Afrikanka in gabdhuhu ay noqdaan dadka safka hore ku jira halganka ayaa waxa ay tusmo fiican u tahay heerka sare ee uu marayo halganka somalida Ogadeniya oo ah mid shacab oo ku dhisan isku tashi iyo midnimo iyo tala saarashada Eebe. Guul iyo Gobanimo.

Hadaba hoos ka daawada Filimkan qiimiga badan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay