CWXO  ayaa todobaadkan waxay xeryaha ciidanka cadawga ku leeyahay magaalada Dhagaxbuur ka fuliyeen weeraro mir ah oo xidhiidh ahaa kuwaas oo daba socday qorshe ay horay u go’aamiyeen taliska sare ee CWXO iyo talisyada qaybaha.

Weeraradan habeenimo oo kala dhacay 13,24,26,iyo 28kii May 2012 ayaa cadawga waxaa loogu gaystay khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ,waxayna cadawga ku abuureen khalkhal, jiif iyo joogba u diiday. Ciidanka xoraynta ayaa  ku muujiyay weeraradan awooda uu u leeyahya inuu u hawlgalo hadba sida uu qorshaysto.

Weerar qorshaysan oo la mid ah kuwaa aan horay u soo sheegnay oo 26kii May 2012 cadawga lagu qaaday dagan Dhagaxbuur ayaa waxaa inta la xaqiijiyay lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa laga dhaawacay.

Waxaa sidoo kale 28May 28, 2012 weerar habeenimo lagu qaaday laba ka mid ah xeryaha cadawgu uu ka  dagan yahay magaalada Qabridahar ee caasimada  gobolka Qorahay. Weerarkan ayaa waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

Qorshaha fulinta weerarkan ayaa qayb ka ahaa go’aan horay loo gaadhay kaas oo ahaa in ciidamada jabhadda ay weeraraan rugaha cadawga uu ka dagan yahay dalka Ogaadeenya.

23 May 2012 ayaa CWXO waxay kamiin ka galeen Geedi aar oo ku taal duleedka magaalada Dhagaxbuur. Dagaal halkaas ay kula galeen ciidamada cadawga ayay waxay kaga sahaydeen 15 skari waxaana dhaawac halis ah uu soo gaadhay 10 askri oo kale kuwaas oo ka tirsan ciidanka cadawga ee doolka ku jooga dalka ogaadeenya.

17 May 2012 weerar ay ciidamada xorayntu ku qaadeen laba jeer ciidanka cadawga oo ku sugnaa mesha loo yaqaan Mooyaha  oo ka tirsan gobolka Jarar ayaa waxaa cadawga lagaga dilay 6 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidanka  cadawga ee ku sugan ceelka Gari-go’an ayaa waxaa halkaa lagaga dilay hal askari tira kalana waa lagaga dhaawacay.

Fulinta hawlgaladan ayaa qayb ka ah  go’aan midaysan oo ay qaateen madaxda jabhadda ee ku sugan Xarunta Dhexe iyo talisyada CWXO kaas oo ahaa in weeraro joogta ah lagu qaado dhamaan fadhiisimada cadawga, gaar ahaan kuwa caasimadaha.

Dhinaca kale waxaa la soo gabagabeeyay kulan hawleed socday mudo saddex maalmood ah oo ay yeesheen madaxda Xarunta Dhexe iyo talisyada qaybaha ee Duufaan, Birjeex iyo Hanqadh. Kulankaa oo furmay 25May 2012 soona xidhmay 28 May 2012 ayaa ujeedadiisu ahayd in dib loogu qiimeeyo  go’aamadii ka soo baxay shirkii kan ka horeeyay.

Dood  dheer ka dib ayaa waxaa kulankan uu hoosta ka xariiqay in hawlihii lagu go’aamiyay shirkii kan ka horeeyay ay u fuleen sidii loogu talagalay.

Kulanku waxa uu amaan u soo jeediyay naftood-hurayaasha ciidanka xoraynta sida hagar la’aanta  ah ee ay u guteen qorshe hawleedkii  loo  go’aamiyay, sidoo kale waxa uu kulan hanbalyo iyo bogaadin u soo jeediyay shacabka Ogaadeenya  oo muujiyay  in aanay jirin waxay ku doorsanayaa gobonimo ay gaadhaan iyo inay garabtaagan yihiin madaxda iyo ciidanka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay