Sidii aan idiinku soo gudbinay wararkii ugu danbeeyay waxaa ka dhacay Dhabajiriso oo ka tirsan degaanka Gari-go’an  xasuuq baahsan oo loo gaystay dad shacab ah.

Subaxnimadii 27 May 2012 ayay ciidamada cadawga ku waabariisteen reer   ka mid ah  dadka degen  Dhabajiriso  oo dhinaca waqooyi kaga beegan ceelka Garigo’an , waxayna  ku qaadeen weerar  balaadhan.

Ciidanka cadawga oo lagu yaqaan arxandaro iyo cadawtino ayaa waxay  kula kaceen dadkii inay  gacan bir ah ku qabtaan

Wararka nagasoo gaadhaya xarunta dhexe ayaa sheegaya in sida dadkan loo laayay ay ahayd mid fool xumo ah.

Dadka dhintay oo  tiradoodu gaadhayso 8 ruux ayaa loo adeegsaday tooriyo, banadka qoryahay iyo qaarna  lagu dilay dhagax.

Dilkan arxandarada ah ee ka dhacay  Dhabajiriso ayaa waxa uu ina  soo xusuusinayaa kii  ka dhacay deegaanka Gunagado iyo Madheedh oo dhinaca bari ka soo dhawra  jiirta Dhabajiriso. Dadkan lalayaayay ayaa waxaa ka mid ah arday fasax gaaban u timid reerka oo ka  yimid magaalada dhagaxbuur.

Magacyada dadka lalaayay oo aan dib idiinka soo saxnay  ayaa waxay kala yihiin;

Macalin aadan xasan kurcas

Maxamed maxamuud cali madoobe

Bishaar axmed cali madoobe

Aadan xasan cabdi shide

Xasan bashiir macalin cabdi

Axmed nuur maxamed xasan

Cabdi rashiid sheikh cabdulaahi sheikh cali dhagood

Tamaan cabdi duwane ismaaciil

Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan dad kale oo loo taxaabay xabsiyada  birqod iyo dhagaxbuur , dadkan la  xidhxidhay ayaa tiradooda lagu sheegay inta u dhaxaysa  13 ilaa iyo 15 ruux ,kuwaas oo qaar ka  mid ah ay qabaan dhaawacyo  halis ah , waxayna magacyadoodu nasoo gadheen  dadka kala ah;

 Faarax maxamed cabdi  odowaa

Taman cali madoobe

Axmed faroole maxamuud cali madoobe

Siraaje axmed fiiqane xasan

Farxaan tamaan cali madoobe

Cabdulaahi ciise

Maxamed cali   barre aw xirsi

Kilaas cabdulaahi

Gaydh  cabdi odowaa oo qaba dhaawac

 Geela uu c adawgu ka xaraystay  magaalad birqod  ayaa waxaa dhamaantii iska leh

Shaafi maxamuud daah

Dhibaatooyinka noocan ah ayaa inta badan ka dhaca  wadanka ogaadeen  hase yeshee ma jirto cid caalamka ka tirsan oo  ka hadasha , iyo cid og midnaba.

Dhinaca kale waxaa ilaa hada ku xaraysan geel tiradiisa lagu sheegay 80  halaad oo  laga soo kaxeeyay  reerka ay ku dhacday masiibadu , geelaas ayaa maalintii afraad ku gabagabaysan  xeryo ciidan dhexdood Islamaalintaa  26May 2012 ee ay dhibaatadu ka dhacday dhabajiriso   oo  deegaanka garigo’an ah ayaa waxaa lagu xidhxidhay magaalada wardheer dadka kala ah

Sheikh xasan cumar shuuriye

Cabdi nuur xirsi dhaashe

Bashiir maxamuud gaaciye

Arsaa,iil  sacaba yare

Gooryaan xuseen mire

Wararka naga soo gaadhay xarunta dhexe ayaa waxay intaa ku darayaan  25 May  2012 in magaalada SAGAG  lagu xidhxidhay  dad  badan  qaar dadkaa ka midana loo gaystay dhac hantiyeed waxayna kala yihiin;

Wali axmed yuusuf

Maxamed ibraahim

Colaad barkhadle

 Sheikh axmed aadan cali

 Yuusuf khallif

Maxamed yuusuf khaliif

Cabdulaahi aw bashiir colaad

Axmed siyaad dalmar

Faadumo cabdulaahi xaaji  20 neef oo adhi

Cabdi budul xasan   6000 bir

20 May 2012  ayaa waxaa lagu dilay  tuulada laasoole oo ka tirsan degmada shilaabo

Alle ha u naxariistee

Ardo xaashi  xade

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay