Siraaje Fariid Cabdi iyo Cali Xukun Amiir  wafti ay ka mid ahaayeen ayaa ka qayb galay shir muhiin ah oo lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.  

Shirka ayaa waxaa isugu yimid haya’do kala duwan oy ka mid ahaayeen International  Human Rights, MSF, Amnesty International, Congress of South Africa Trade Union oo loo soogaabiyo( COSATU), Youth for Human rights organization of South Africa iyo xubna kale oo u dooda xuquuqda aadamaha.

Barnaamijka looga hadlayay waxuu ahaa kali-talisnimada Africa, waxaana  soo qaban-qaabiyay urur ay leeyihiin bulshada reer Zimbabwe ee K/Africa ku nool, loona soo gaabiyo Zimbabwe Solidarity Forum in South Africa (ZSF-South Africa)  iyo haya’da Action Support Centre oo gogasha dhigtay.

Xubnaha ururku OYSU waxay kula kulmeen halkaa ninka xukuma Action Support Centre oo sheegay inuu arkay magaalada Jig-jiga, isagoo sheegay inkastoo aan saxaafadda loo ogolayn inay galaan waddanka Ogaden, hadana qofkii doona uu gali karo, dhibaatadiisuna ay tahay mid caalamka laga dadayo.  

Markuu shirku dhamaaday waxay Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya waftiga  ka socday si gooni gooni ah ula kulmeen masuuliyiinta haya’adaha kor ku xusan iyo masuuliyiin dawladeed.

Madaxda ay la kulmeen waftigii OYSU waxaa ka mid ahaa;

1.Jessie Majome, oo ah Wasiirka Dasdurka eeZimbabwe

2. Richard oo ah madaxa hay,ada Action Support Centre

3. Tony Mathipa oo ah madaxa haya’da Youth for Human Rights Organization.

OYSU-South Africa gaar ahaan ardayda jaamacadaha ayaa wada olole balaadhan oo ay qorsheeyeen in madaxda Africa ay ceeb ku tahay in laga aamusnaado waxa  ka socda ogadeniya.

Hashi/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay