Magaalada Nairobi oo ay ku noolyihiin boqolaal qoxootiga Soomaalida Ogaadeeniya ka soo qaxay ayaa waxaa ka jira ururo Bulsho oo u ololeeya maslaxada bulshadaas ree Ogadeniya oo isku xidha bulshada una ololeeya qadiyada Ogadeniya.Hadaba Tv ga Ilays ayaa dood lamagac baxay dadaal iyo dood ka sameeyey magaalada Nairobi waxaan ka qayeb galay  Xubno ka tirsan Hawl wadeenada Jaaliyada iyo mas’uuliyinta Ururka hooyooyinka ee dalka Kenya waxayna si qoto dheer ooga doodeen aragtida halganka  Ogaadeeniya ee mudada dheer socday iyo sidan ay shacabka Ogaadeeniya ooga go’antahay soo sii wadadi raadinta xornimada dalkooda dhacan . 

Eng.Axmed Saadiq oo kamid ahaa mas’uuliyiinta doodan ka qayeb gashay ayaa sheegay in Itoobiya ay  ku guul dareysatay damacii ay dhulka Ogaadeeniya ka lahayed gaar ahaan Khayraadka Ogaadeeniya oo mudo dheer ay ka fikirayeen sidii loo soo saari lahaa mana aha wax ku yimid hawl yaraan waxaan la odhan karaa waxay ku timid geesinimda shacab -keena.

 

Tv Ilays oo dalka Kenya aad looga daawado dad badan ay si gaar ah oola socodaan barnaamjita xiisaha leh ee laga soo daayo ayaa Kenya iyo wadamada kale ee dadka Ogaadeeniya ay ku soo qaxeen ka sameeya Barnaamijyo badan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay