Gobolka Wardheer oo Ciidamada ONLF ka fuliyeen Qorshe Military oo midaysan
Qorshahan ayaa lagu fuliyay Wardheer, Danood, Caado iyo Qoriile 28 May 2012.
GOBOLKA DOOLLO OO UU KA FULAY QORSHE MILATARI OO MIDAYSAN IYO WEERARO KALE OO KHASAARE LOOGU GAYSTAY CADAWGA
Warar uu nasoo gaadhsiiyay wariyaha ONA uga soo warama gobolka Doollo ayaa sheegaya in 28 May 2012 ay ahayd habeen ay ciidamada cadawga ee dagan qaybo kala duwan oo gobolka ah ay ka war heleen weeraro si habaysan loo qorsheeyay
Weeraradan lagu qaaday xeryaha cadawga oo qayb ka ahaa qorshe hore loo go,aamiyay kana soo baxay taliska sare ee CWXO ayaa u dhacay sidii loogu talagalay
Weeraradan habeenimo ee mirta ah ayaa waxay saacad gudaheed ka wada dhaceen
Wardheer, Danood, Caado,iyo Qoriile , waxaana cadawga loogu gaystay qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Weeraro kale oo ay qaaden CJWXO
28 May 2012 dagaal ka dhacay Aloosane oo ka tirsan degmada Fiiq ayaa ciidanka cadawga waxaa lagaga dilay 2 askari tira kalana waa lagaga dhaawacay
27May 2012 weerar xoogan oo lagu qaaday ciidanka cadawga goobta loo yaqaan Qoofalka oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur ayaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 10 askari waxaana loogaga dhaawacay tiro kale
Habeenadii 25-26 May 2012 ayaa waxaa iyana weeraro noocan oo kale ah lagu qaaday fadhiisimooyin uu cadawgu ka dagan yahay degmada Sagag oo kala ah Barqo-maal iyo Gol-madheedh waxaana soo gaadhay ciidankii cadawga khasaare kala duwan.
Waxaa kale oo jira weeraro gaadmo ah oo cadawga loogu gaystay khasaare oo ka kala dhacay Warsug oo Galaalshe ah iyo Qulqul oo degmada Dhuxun ka tirsan.
Hawlgalada ciidanka JWXO ay ku wadaan ciidanka cadawga ayaa sii kordhaya iyadoo ay dhinaca dibadana ka socdaan mudaharaadyo si xoogan loo abaabulay kuwaas oo ka quusiyay Zinaawi inuu ka soo muuqdo fagaarayaasha caalamka
Xaalada ayaa waxay hada maraysaa barbarkay ka baxdaa waa bakaylo galeen.
ONA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.