Shirweynihii Jaaliyada Ogaadeeniya ee Nairobi ayey maanta isugu yimaadeen xubnaha Jaaliyada Ogaadeeniya. Wuxuu ahaa shir ka duwan shirarkii hore qaabkiisu.

Wuxuu shirku guud ahaan ku saabsanaa gudbinta afkaarta xubanah jaaliyada Ogaadeeniya  ee ku wajahana shaqooyinka ay jaaliyadu qabato iyadoo inta badan lagu yaqaano xubnaha Jabhada in ay qiimeeyaan afkaarta iyo talada Xubnaha goobta shaqada jooga iyo kuwa ka maqanba.

 

Waxay guud ahaan xubnuhu soo jeediyeen afkaar ku saabsan abaabulka Jaaliyada iyo waliba kasbashada dadka Soomaaliyeed ee jecel gobonimada dalka  Ogaadeeniya sidoo kalena Mas’uuliyiinta Jaaliyada ee shirka joogay ayaa xubnaha u sheegay in xubin walba lagula xisaabtami doono shaqada lagu ogyahay.

Shirkan ayaa qodobo iyo afkaaro muhiim ah oo waxtar u leh hanaan socodka jaaliyada ay kasoo baxeen.

Nairobi

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay