Hoggaanka Arrimaha iyo Bulshada mudane Maxamed Cabdi Yasiin Diirane ayaa maanta la qaatay kulan xiiso badan dhalinta Jaaliyada London.

Kulankan ayaa hoggaanku uu kusiiyay dhalinta OYSU London siminaar ku aadan qaab shaqeedka ururada dhalinta. Sidoo kale Hoggaanka ayaa warbixin kasiiyay daggaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha ogadeniya iyo Xasuuqi ka dhacay goobo kamid ah Ogadeniya maalmihii lasoo dhaafay.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Hoggaanka Abaabulka Jaaliyada London iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Jaaliyada iyaga oo halkaas dhalinta guubabo kusiiyay.

Xoghayaha Guud ee Ururka OYSU halgame Mujaahid ayaa isna shirka dhalinta uga waramay marxaladaha dhalinta Ogadeniya ay ku suganyihiin.

Ugu danbeyntii waxaa shirkan lagu soo gunaanaday qorshayaasha Ururka u yaala oo xog iyo fulinteediba laga waramay. Waxaana dhalinta horyaala barnaamijka Ogaden Night oo ka dhici doona London bishan gudaheeda.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay